Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dilal Goor-dhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho.



Mon 09 July 2018.

Saddex ruux ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay siyaabo kala gooni ah loogu diley magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad  ee degmada Yaqshiid Ku dilay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.

Dilka kadib kooxdii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen iyadoo ciidamo ka tirsan dowlada kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano ay ku raadinayaan dableydii dilka geystay.

Xalay ayaa sidoo kale waxaa dil loogu geystey degmada Hodon nin ganacsade ahaa iyadoo dilkiisana ay geysteen koox ku hubeysan bastoolado.

Dilalka ciidamada iyo dadka rayidka ah ayaa waxa ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho iyadoo dilalkaasna aysan jirin cid loo qabtay.



56 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines