Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saraakiishii Ugu Badneyd oo loo Xirxiray Weerarkii Shalay ka Dhacay Xarunta Wasada Arimaha Gudaha Muqdisho.



Sun 08 July 2018.

Ugu yaraan 14 ka mid ah saraakiisha Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa 24 saac ka dib loo xiray weerarkii shalay lagu qaaday xarumaha Wasaaraddaha Amniga iyo Gudaha oo ku yaalla xarunta gurmadka booliska Otta Otta ee magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kulan ay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ku yeesheen Guddiga amniga gobolka Banaadir kaasoo ay ka qeyb galeen wasiirka amniga ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Ku-xigeenkiisa Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda.

Saraakiisha la xiray oo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugid. ayay wararku sheegayaan inay taliyayaal ka ahaayeen kontroolada laga soo galo xarunta la weeraray iyo sidoo kale wadooyinka soo gala, sida wadada dabka iyo tan ka timaada degmada Howlwadaag ee G/Banaadir.

Sida wararku sheegayaan Saraakiisha la xiray ayaa waxaa la geeyey Xarumaha dembi baarista, waxaana lagu xiray amar ka soo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya Max’ed Abuukar Islow.

Saraakiishan ayaa waxaa si weyn loogu tuhunsan yahay iney fududeeyeen weerarkaas, maadaama dableyda weerarka fulisay ay si nabadgelyo ah ku galeen xarunta gurmadka booliska, iyadoo wadada ay yaalaan baro control oo baaritaano xoog leh ku sameeya gaadiidka.

Saraakiisha qaar ayaa waxaa lagu eedeeyey iney ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda, halka qaar kalena loo heysto iney si toos ah ula shaqeynayeen dableyda weerarka geysatay, ayna qaateen lacago laaluush ah.

Weerarkii shalay ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday in ka badan 14 ruux oo ay ku jiraan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines