Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dab Caawa Qasaaro Xoogan Gaadhsiiyay Goobo Ganacsi Uo ku Taalla Degmo ka Tirsan Muqdisho.(Sawiro)



Sun 08 July 2018.

Dab aad u xoogan ayaa qabsaday caawa goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dabku uu ka bilowday sandaqado ku yaalla boosteejada laga raaco, uuna ku fiday bakhaaro ganacsi iyo dhismeyaal kale oo halkaas ku yaalla.

Lama oga ilaa hadda sababta kicisay iyo waxa uu ka bilowday dabkan, balse gaadiidka dab demiska ayey wararku sheegayaan iney halkaas gaareen, iyagoo la tacaalaya dabka.

Goobta uu dabku ka kacay oo magaceeda lagu sheegay quraca Nabada ayaa waxaa ku sugan ciidamada amaanka, qaar ka mid ah madaxda maamulka degmada Kaxda iyo dadweyne fara badan oo halkaas so buuxiyey.

Lama soo sheegin dad wax ku noqday dabkan balse waxaa la aaminsan yahay inuu salfaday hanta aan tirakoob sax ah laga heynin oo ku jirtay goobaha gubtay.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines