Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Oo Weerar Afka ku Qaaday Madaxda Dowladda "Mar walba Waxa la Doortaa Madax Tuug ah"



Sun 08 July 2018.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Ibraahim Cali (C/casiis Xildhibaan) ayaa weerar afka ku qaaday Madaxda dowladda iyo Xukuumadda, isagoo su’aal ka keenay sababta ay ku suura gashay in gaari qarax ah uu soo gudbo goob qad cagaaran ah.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in isla xisaabtan dhab uu yimaado, balse isla xisaabtanka aanu noqon mid afka ah.

“Sidee suura gal ku noqotay in shalay Qarax uu dhaco, sidee baabuurka uu ku yimid meeshaiyadoo magaalada qad cagaaran uu ka jiro, ma arkin Hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaan”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Waxaa uu sheegay in mar walba la doorto Madax tuugo ah oo boorso wadata oo ka adeeganeysa shacabka, isla markaana aanay jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay.

Halkan hoose ka daawo 



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines