Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

“Meeshii Amniga Halbowlaha U Aheyd in la Weeraro waa in Cid Mas’uuliyadeeda Qaadataa”Wasiirkii Hore Ee Amniga Somaliya.



Sun 08 July 2018.

Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumaddii hore C/risaaq Cumar Maxamed ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay in isla xisaabtan uu yimaado, sida ay ku suura gashay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Otto Otto.

 

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa su’aal ka keenay in iyadoo magaalada jidadkeeda la soo xiray, isla markaana ciidamo badan la dhigay waddooyinka sida ay ku soo mareen baabuur qarax iyo rag hubeysan oo ay ku tageen meelihii amniga halbowlaha u aheyd.

“Runtii waxay tani cadeyneysa in jid la xiro in aan wax macno ah laheyn iyo dadka isku socodkooda la adkeeyo, maadaama jidad la xiro aysan wax badan keeneyn, meelaha dhibka ka jira iyo dul duleelada waa ciidanka dhexdiisa”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga oo wareysi siiyay Idaacada Mustaqbal ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo wixii shalay dhacay oo aan laga aamusin, isla markaana ay cid mas’uuliyadeeda qaadato

“Dhibaatada Soomaalida heysata waxba dhacaya lama baarayo, lagamana daba tagayo, qof kasta in Mas’uuliyadiisa in la saaro loo baahan yahay, intaas meel ayay soo mareen in meesha amniga halbowlaha aheyd in la weeraro waa in cid mas’uuliyadeeda qaadataa, waxaa aaminsahay in baaritaan la sameeyo oo aan laga aamusin”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed.

Weerarkii shalay ka dhacay xarunta Otto Otto ayaa waxaa isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux, halka tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.



18 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines