Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Oo Booqasho Rasmi ku Tagaya Eritrea.



Sat 07 July 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalinta berri booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasoo noqon doonta booqashadii u horeysay oo Madax Itoobiyaan ah ku tago dalkaas muddo 20-sano oo labada dal ay colaado u dhaxeeyeen.

Caasimadda Asmara ayaa waxaa ka socda diyaar garowga lagu soo dhoweynayo booqashada taariikhiga ah ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana calamada Eritrea iyo Itoobiya la suray waddooyinka magaalada, sidoo kale halku dhigyo ka turjumaya soo dhoweynta Abiy Ahmed ayaa lagu xardhay faras magaalaha Asmara.

Tani ayaa bilow u ah xiriirka labada dal oo bog cusub u furmay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu qaaday tallaabooyin is bedelo leh oo dhinaca Nabadda ah.

Wafdi sare oo ka socday Eritrea ayaa dhowaan tagay Addis Ababa, waxaana ay ahaayeen wafdigii u horeeyay ee Eritrea booqda Addis Ababa, muddo labaatan sano ah.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa u dhaxeeyay dagaal socday muddo 20 sano ah, iyagoo ku muransanaa deegaanka Badame ee ku taala xadka labada dal.

Eritrea ayaa sanadkii 1993-dii ka qaadatay xornimada dalka Itoobiya, waxaana sanadkii 1998 dhex maray dagaal socday illaa sanadkii 2000, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee soo mara Afrika.



68 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines