Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Roobab Maihiigaan ah Oo 38 Qof ku Dilay Dalka Japan.



Sat 07 July 2018.

Ugu yaraan sideed iyo soddon qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen daadad ka soo rogmaday roobab mahiigaanno ah oo ka da'ay Japan iyo meelo dhulku go'ay, ku dhawaad kontomeeyo kalena la la'yahay.

In ka badan hal malyuun iyo badh oo qof ayaa la faray in ay ka baxaan guryahooda oo ku yaal galbeedka iyo bariga dalkaas, saddex malyuun in ka badan oo kalena waxa lagu war geliyey in ay daad gurayn u diyaar noqdaan.

Boqolaal guri ayaa ku wax yeelloobay daadadkaas. Konton kun oo askari oo boolis, kuwa dab demiska iyo kuwa difaaca madaniga ah ayaa ka qayb qaadanaya hawlaha gurmadka iyo baadi goobka.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa waxay saadaalinaysaa in dhawrka maalmood ee soo socda roobab laxaad lihi dalka ka di'i doonaan.



25 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines