Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kuuriyada Woqooyi Oo Maraykanka ku Eedeysay Inuu ku Qasbayo Heshiis Dhan-qudha ah.



Sat 07 July 2018.

Dawladda Kuuriyada Woqooyi ayaa Maraykana ku eedaysay in uu Pyongyan ka doonayo dalab dhan qudha ah oo weliba dirqi ah kaaso oo ah in ay tirtirto nukliyerkeeda.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Kuuriyada Woqooyi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay aragtida Washington,sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dawladda Pyongyan.

Hadalkaas oo soo baxay saacado uun ka dib markii wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ku tilmamay labadii dharaarood ee uu wada hadallada u joogay Pyongyang kuwo midho dhal ah.

Wuxu sheegay in arimihii laga wada hadlay oo dhan horumar laga gaadhay oo xataa ay ka mid ahayd tirtiridda nukliyeerku.

Booqashada Pompeo waxay daba socotay shir madaxeedkii Madaxweyne Trump la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines