Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowladda Soomaaliya oo dadaal Ugu Jirta Sidii Cunaqabateynta Hubka Uga Qaadi Lahaa Qaramada Midawbay.



Sat 07 July 2018.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa kulamo gooni gooni la leh Kooxda la socodka cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya UN (Somalia Monitoring Group) iyo gudiga amniga ee Qaramada Midoobey UN Security Counsel oo uu ka dhaadhicinaayo sidoo Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay caqabad ka heysatay sidii ay u heli lahaayeen saanad ciidan oo mug leh, kana haqabtirta baahida loo qabo in la helo ciidan qaran oo isku filan dhinac walba oo ay Soomaali yeelato, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada AMISOM lana qorsheynayo in dalka isaga baxaan horraanta sanadka 2020.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii Soomaaliya qeyb ka ah cunaqabateynta hubka laga qaaday, iyadoo loo ogolaaday keaiya in dowladda Soomaaliya ay soo iibsan karto hubka fudud sida qoryaha AK 47, PKM, rasaasta noocyadeeda kala duwan iyo qoryaha RPG7 iyo bastooladaha.

Hase ahaatee waxaa weli xayiraadda ka saaran hubka waa weyn sida lidka taangiyada, Beebayaasha, lidka diyaaradaha iyo madaafiicda iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopters ka.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines