Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dhinacyada Isku Haya Suoth Suudan Oo Mar kale kala Saxeexday Heshiis Dhinaca Amniga ah.



Sat 07 July 2018.

Dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagada ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo lagu doonaya in xabad joojin waarta laga dhaqan geliyo dalkaasi.

Heshiiska dhawaan ay wada gaareen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu tallaabsado.

Heshiiska ka socday caasimadda Suudaan ee Khartoum waxaa laisgu afgartay in labada dhinac ay ciidamadooda ay ka saaraan magaalooyinka si colaadda loo joojiyo.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen mucaaradka iyo dowladda in xabsiga laga sii daayo maxaabista u xiran dagaalka.

Maanta ayaa la filaya in madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu u fidiyo gogol dhincayada South Sudan si ay u kala saxiixdaan heshiis dhanka awood qaybsi ah.

Waxaa jiray heshiisyo kale oo ay horay u wada gaareen mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Suudaan oo aanan la dhaqan gelinin.

Ku dhawaad shan sanno ayay dagaallo ka jiraan South Sudan kaaso barakiciyay malaayin shacab ah halka tobbonaan kun oo qof ay ku dhinteen.

Hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kir ayaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday magaalada Khartoum waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne Cumar Xasan Al -Bashiir.

Heshiiskan wuxuu ka qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines