Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Soomaaliya Oo ka Hadashay Qarax & Weerarkii Maanta ka Dhacay Muqdisho.(Sawiro)



Sat 07 July 2018.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo goordhaw Shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay weerarkii maanta Al Shabaab ku qaadeen xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga.

Waxa uu sheegay Wasiirka in la dilay dhamaan ragii weerarka kusoo soo qaaday xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga, waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada amaanka dad badan soo bad baadiyeen.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaaddo caafimaad dibadda ah.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay Masuuliyada weerarkan dhaliyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee maanta ka dhacay xarunta Oto Oto ee degan yihiin Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga.



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines