Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qarax xooggan Oo Goor dhowayd ka Dhacay Muqdisho iyo rasaas la Maqlayo.



Sat 07 July 2018.

Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid jugtiisa laga maqlay magaalada oo dhan.

 

Qaraxa oo daqiiqado ka hor dhacay ayaa waxaa bilowday rasaas culus oo u muuqata kuwo la is weydaarsanayo.

Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana qaraxan uu ahaa mid si guud ah magaalada u gilgilay

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka, waxaana wararka qaar sheegayaan in weerarka yahay xarunta Oto Oto oo ah xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in qaraxa kaddib ay weerareen xarunta Oto Oto, iyadoo la maqlayo qaraxyo iyo rasaas la is weydaarsanayo.



19 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines