Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Koox Hubaysan Oo Abduub U Gaysaty Shaqaale Ajanabi ah Oo ku Sugnaa Liibiya.



Fri 06 July 2018.

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya waxay sheegayaan in dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen shaqaale ka howlgala mashruuc lagu magacaabo GMR.

Warbaahin maxalli ah ayaa kusoo warrantay in dablayda hubaysan ay xarunta ay xoog ku galeen ka hor inta aysan afduuban shaqaalaha, iyadoo Shaqaalahan la afduubtay ay ku jireen kuwo u dhashay dalal qaaradda Aasiya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka fadhiggiisu yahay bariga Liibiya Ibraahim Bu shaaf ayaa xaqiijiyay dhacdada.

Kooxda afduubatay shaqaalahan ayaa sii daayay kuwo u dhashay Liibiya halka kuwa ajaanibta ah ay kaxaysteen.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines