Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

33 Qof Oo ku Dhintay Kuleel ka Dhacay Dalkii Barafku ka Dhici-jirat Ee Canada.



Fri 06 July 2018.

Dad gaaraya sodon iyo saddex qof ayaa ku dhintay gobolka Quebec ee dalka Canada kadib markii uu halkaas ku dhuftay kuleel daran.

Darajada kuleelka ayaa gaaraya 35C, wuxuuna watay huur iyo hawada oo xrian,iyadoo dadka ku dhintay intooda badan ayay da'doodu u dhaxaysaa 50 illaa 80 jir.

Dowladda ayaa dadka kula talisay in ay biyo badan cabbaan, islamarkaasna qoraxda ka harsadaan.

18 ka mid ah dadka dhintay ayaa ku dhintay magaalada Montreal, taas oo ah magaalooyinka ugu dadka badan.

Caadi ahaan dadka Canada waxa uu ka mid tahay dhulka qaboobaha ah, balse cimilada adduunka ee sii kululaanaysa ayaa ugu wacan ayaa la leeyahay in kuleelka uu heerkan gaaro.



50 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines