Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Maraykanka Oo Safar ku Tagay Kuuriyada Waqooyi.



Fri 06 July 2018.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Khamiistii u kicitimay Kooriyada Waqooyi, isagoo halkaasi ku gali doona wada-hadallo ku saabsan soo afjarista Hubka Nuclear-ka Pyongyang.

Arinkan ayaa daba jooga qiimeyn Hey’adda Mukhaabaraadka Mareykanku ay sameysay taasoo lagu ogaadey in Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu sii wado horumarinta Barnaamijkiisa Nuclear-ka.

Pompeo, oo uu direy Madaxweyne Trump si uu u soo indho-indheeyo heshiiskii ay Singapore ku gaareen isaga iyo Kim, ayaa la filayaa inuu Pyngyang gaaro Jimcahan maanta ah.

Socdaalka Mike Pompeo ayaa ah kii Saddexaad ee uu ku tago dalka Kuuriyada Waqooyi, waana kiisii ugu horeeyey oo uu habeen ku hoyan

doono.



17 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines