Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Deegaano Ka Tirsan Degmada Ceel Afweyn.



Fri 06 July 2018.

Dagaal beeleed ayaa mar kale dib uga qarxay deegaano ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wararka laga helayo deegaanka Dararweyne ayaa sheegaya inay isku dhaceen labada beelood ee hore dagaalku ugu dhex maray deegaankaasi.

Sidoo kale wararka laga helayo magaalada Ceel Afweyn ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta laga maqlayo magaaladaasi, iyada oo ciidamada somaliland ay ku guulaysteen inay joojiyaan gurmad labada beelood ee dagaalamaya ku socday.

ilaa hada ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn oo la xaqiijiyey.

Xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanada Ceel Afweyn, balse waxa dhawaan baaqday safar uu madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminaya ay ku tagi lahaayeen deegaanada Ceel Afweyn ee colaadu ka taagan tahay.



71 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines