Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Diyaaradii Qaadi Lahayd Raysal-wasaaraha Mozambiik Oo Shidaal loo Waayay.



Fri 06 July 2018.

Guddiga maamulka dayaaradda LAM Airlines ee Mozambiik ayaa shaqadii laga eryey, ka dib markii dayaaraddii qaadi lahayd ra'iisul wasaaraha dalka iyo rakaab kale loo waayey shidaal lagu shubo.

Carlos Agostiho do Rosario, ayaa markii dambe qaatay dayaarad ay ciidanka cirku leeyihiin oo uu u adeegsaday socdaalkiisa rasmiga ah ee uu kaga ambabaxayey caasimadda, Maputo, kuna aadayey gobolka Niassa ee waqooyiga.

Dayaaradda LAM Airlines oo ay dawladdu leedahay ayaa waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in mushaakilkan uu taagnaa muddo 3 maalmood ah.

Wararku waxay sheegayaan in shirkadaha shidaalka bixiya ay dalbadeen in la siiyo lacago hore oo ay ku lahaayeen.

Dayaaradda ayaa arrintan ku tilmaantay mid waji gabax ah, waxayna sheegtay in ay ka shaqaynayso in duullimaadyada ay sii socdaan Jimcaha, ka dib markii ay xukuumaddu soo fara gelisay, sida uu sheegayo wariye BBC ka tirsan.

Waxay raalli gelin siisay macaamiisheeda, waxayna ka codsatay dadka safraya inay soo wacaan si ay u helaan xogta ku saabsan duullimaadyadooda.

Xayiraad muddo lix sano ah ka saarnayd dayaaradda inay ka shaqayso midowga Yurub ayaa la qaaday sannadkii hore,waxaa lagu soo rogay markii midowga Yurub uu sheegay in maamulka duullimaadka uusan ahayn mid hagaagsan.

Mosambiik ayaa mushkilad dhaqaale wajahaysay tan iyo 2015, waxaana laga goostay inta badan heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee ay gashay iyo kaalamadii ay dibadda ka heli jirtay, ka dib markii ay xukuumaddu qiratay deyn aan la ogeyn halka uu ka yimid oo gaaraya 1.4 bilyan oo dollar sannadkii 2016.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines