Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Magaca & Sawirka Soomaali Dhowaan Dad ku Laayey Masjid ku Yaala South Africa Oo lasoo Bandhigay.



Thu 05 July 2018.

Saraakiisha Waaxda Dembiyadda Booliska dalka Koonfur afrika ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan Weerarkii Nin Soomaali ah bartamihii bishii hore uu ka geystay Masjid ku yaalla magaalladda Malmesbury oo 65-Km Waqooyi kaga toosan Magaaladda Cape Town.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee bishii June 14-da uu ahaa Nin dhimirka ka xanuunan ama maskaxda looga jiray.

Waxaa lagu dilay dhacdadaas 2 qof oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka, iyadoo 2-kalena la dhaawacay, Waxaana ninkan toogtay booliska oo deg deg loogu yeeray xiligii uu toogashada geysanayey.

Baarayaashu waxay xuseen inaan weli la ogaanin sababta uu ninkan u geystay weerarkaasi, waxayna meesha ka saareen inuu wax xiriir ah la lahaa kooxaha xag-jirka ah.

Afhayeenka waaxda dembi-baarista dalka Koonfur Afrika, Philane Nkwalase ayaa sheegay inuu Ninka dilka geystay uu ahaa Bukaan-socod dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo tan iyo sannadkii 2013-kii ay daaweyn dhinaca Dhimirka uga socotay Isbitaalka Cilmi-nafsiga ee Karl Bremer Hospital ee Magaaladda Bellville sida baaritaanka lagu ogaaday.

Philane Nkwalase ayaa intaa ku daray in ninka weerarkaasi geystay la oran jirey Nuur Caraalle oo 23-jir ahaa.

Booliska ee dalkaasi waxay Warbixintooda ku sheegeen inay maydka Marxuumkaasi ku wareejiyeen Qoyskiisa, lana filayo in la aaso.



34 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines