Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mudaharaad kala Xidhay Isku Socodkii Magaalooyinka Borama & Hargaysa Oo ka Socda Dila.



Thu 05 July 2018.

Madahadaar xoogan ayaa galab dhicii manta ka dhacay degmada Dila ee gobolka Awdal,kadib markii dadwayne gadoodsan oo kasoo horjeedo xadhiga xukuumada kula kacday Cabdishakuur Aw cali Buux oo loo yaqano Gacmoole oo manta lagu xidhay magaalada Boorama.

Xadhiga wiilkan ayaa salka ku haya kadib markii ay xukuumada Somaliland ku eedaysaykoox dhalinyaro ah oo uu ka mid ahaa ay is hortaageen qodista beeraha banka wajaale oo ay gacanta ku hayso xukuumada Madaxwayne Biixi.

Mudahaaraadkan ayaa ilaa iyo waqtigan ka socda magaalada Dila kaasoo dhamaanba xanibay isku socodkii magaalooyinka Hargaysa,Wajaale iyo Boorama,iyagoo wadooyinkii ku gooyay dhagax waawayn islamarkaasina ku shiday taayiro.



72 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines