Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maamulka Wajeer Oo Xayiraadii ka Qaaday ka Ganacsiga Iyo Cunista Hilibka Xoolaha Oo Mudo Xidhnaa.



Thu 05 July 2018.

Wareegto kasoo baxday maamulka wajeer ayaa looga qaaday xayirad hore loogu soo rogay dadweynaha taas oo ku addaanayd dhinaca ka ganacsiga iyo cunidda hilibka xoolaha.

Dadwaynaha ayaa lagu wargaliyay in wixii ka billaawda 7-da bishan July ay reer Wajeer si rasmi ah uga ganacsan karaan dhammaan wax soo saarka xoolaha.

Sidoo kale dadweynaha ayaa waxa loo soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin, Inta aanan la gowricin xoolaha waa in la eego caafimaadka nafka,iyo in la ilaaliyo nadaafadda iyo qodobo kale.

Horraantii bishii June ayaa dadweynaha reer Wajeer laga mamnuucay wax soo saarka xoolaha oo ay kamid ahayd cunnida iyo ka ganacsiga hilibka kaddib markii cudurka Riftvalley uu ka dilaacay halkaasi.taasoo sababtay in la xidho kawannada hilibka si loo xakameeyo faafidda cudurka Rift valley.



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines