Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo la Sheegay in ay Rasaas ku Fureen Gaari ay la Socdeen Dad Shacab ah.



Thu 05 July 2018.

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ka baxsanayay dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caad oo iska horimaad uu ku dhaxmaraay xoolo dhaqato iyo Al-shabaab.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii dagaal u dhaxeeyay shacab iyo A-shabaab wuxuu ka dhacay deegaanada Caad iyo Camaara, kadib markii Shabaab dadka degaanka ay ku amreen inay bixiyaan lacagta Shabaab ay u yaqaanaan Sakawaadka, balse dadka ayaa ka biyo diiday arrintaasi.

Gaariga oo marayay wadada xiriirisa Caad iyo Camaara oo Shabaab difaac halkaasi ay kaga jiraan ayaa mar kaliya waxa ay rasaas ku fureen gaariga, waxayna taasi keentay inay dhintaan laba gabdhood oo wada dhashay oo xabadahii ay ku dhaceen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in meydadka labo ruux oo ku dhintay loo qaaday degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, masuuliyiin u hadashay maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Caad iyo Camaara ay u dirayaan ciidan la dagaalama Al-shabaab.



58 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines