Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Booqashadiisii Ugu Horeysay ku Tagay Dalka Mareykanka.



Thu 05 July 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagi doona dalka Mareykanka, taasoo noqon doonta tii u horeysay uu ku tago dalkaas, waxaana booqashadiisa ay qaadan doonaan labo cisho.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya Birtukan Ayano ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu la kulmi doono Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Mareykanka, Wakiilada ururada caalamiga iyo jaaliyaddaha Itoobiya oo ka mid ah kuwo ugu ballaaran ee Mareykanka ku nool

Bulshada Itoobiyaanka ee ku nool Mareykanka ayaa ahaa kuwo ugu badan mucaaradka ku ahaa dowladda Itoobiya iyo qaabkii dalkaas u xukumeysay 20-kii sano ee u dambeeyay.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagayo Mareykanka ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada hadalo dhex mara dowladda iyo bulshada Itoobiyaanka oo lagu tilmaamo kuwo ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday is bedelo si aad ah looga soo dhoweeyay gudaha iyo dibadda, waxaana loo arkaa hoggaamiye wax badan ka bedelay hab dhaqankii lagu yaqiin Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa si dhow ula socotay is bedelada ka dhacayay Mareykanka, waxayna ku tilmaamtay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday dimoqraadiyadda



26 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines