Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo ka Hadashay Dagaal Maanta ay laGaleen Xoolo Dhaqatada Gobolka Mudug



Wed 04 July 2018.

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo maanta ka dhacay deegaanka Caad ee Koofurta Mudug, kaasoo u dhaxeeyay maleeshiyo deegaanka ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyada deegaanka ay weerareen deegaanka Caad oo qiyaastii 50KM u jirta Xarardheere oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ka hor-yimid amaro Al-Shabaab ku soo rogeen oo ahaa in wiilashooda ku soo wareejiyaan iyo xoolaha looga qaadayo zakawaad ahaan.

Xaalada deegaanka Caad ayaa haatan degan, waxaana deegaanka labo jeer gacan ku heyntiisa isku bedelay maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in gurmad uga yimid dhanka Xarardheere ay ku guuleysatay inay ka saaraan deegaanka maleeshiyaadkii soo weeraray.

Warar lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyo loogu yeeray Murtadiin ay soo wareegeen deegaanka Caad, lagana saaray, waxaa intaa lagu daray in looga dilay illaa 15 maleeshiyo iyo ninkii hoggaaminayay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Goobe Gurey.

Deegaanada Koofurta Mudug oo ay qeybo ka mid ah kaga sugan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyo deegaanka iyo dagaalamayaasha Shabaab, kaasoo salka ku haya amaro Shabaabka ku soo rogeen oo ah xoolo zakawaad ahaan looga qaado iyo askareynta carruurtooda.



46 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines