Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wiil Uu Dhalay Hoggaamiyaha Ururka Daacish Oo Lagu Dilay Dalka Suuriya.



Wed 04 July 2018.

Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Daacish oo lagu magacaabo Xudeyfa Al-Badri ayaa lagu dilay howl gal ismiidaamin ah oo kooxda ku qaaday magaalada Xumus ee dalka Suuriya.

 

Sida ay baahisay Daacish wiilkan ayaa ka mid ahaa kooxo ismiidaamiyeyaal oo weeraray xarun ay Ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka ku lahaayeen Xumus.

Xudeyfa Al-Badri oo ah wiil yar ayaa wakaalada wararka u faafisa Daacish ay ku soo bandhigay sawir isagoo qori AK47 sita.

“Xudeyfa Al-Badrid (Allaha aqbalee) Wiilka Khaliifka waxaa lagu dilay howl gal ka dhan ah Ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka oo ka dhacay Wilaayada Xumus”ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Warbaahinta taageerta Daacish.

Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa ka mid ah dadka loogu doonista badan yahay Caalamka, waxaa madaxiisa saaran lacag gaareysa 25-milyan oo doollar.

Sanadkii 2014 ayuu ka soo muuqday Masaajid ku yaalla Mosul, oo isku magacaabay inuu yahay khiliifka Khilaafada Islaamiga Shaam iyo Ciraaq.



52 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines