Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Dibadbaxyada Lagu Taageerayo Isbadal-doonka.



Tue 03 July 2018.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday taagerayaashiisa inay soo afjaraan dibadbaxyada waawayn ay ka dhigayaan guud ahaan dalkaasi oo ay ku taageerayaan isbaddalada uu wado Abiy Axmed tan iyo markiii xilka uu la wareegay bishii April, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana oo taabacsan xukuumadda.

24-tii bishii June ayay ahayd markii uu qarax ka dhacay isu soo bax siyaasadeed uu Ra’iisul wasaaraha ku qabanayay magaalada Addis Ababa halkaaso 2 qof ay ku dhinteen halka dad badan ay ku dhaawacmeen.

Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi ‘isku day guuldarraystay oo ay wadeen xooggag aan doonaynin inay arkaan Itoobiya oo midowday’

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale ka codsaday shacabka inay ka qayb qaataan dadaalada horumarka ah iyo inay kasoo horjeestaan dadka doonaya inay colaad ka huriyaan dalkaasi.



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines