Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwayne Salva Kiirka Koonfurta Suudan Oo Mudo Kordhin loo Sameeyay.



Tue 03 July 2018.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa soo jeedisay hindise-sharciyeed dhigaya in madaxweyne Salva Kiir uu xilka sii hayo saddex sanno oo dheeri ah.

Haddii sharcigan la meel mariyo, Kiir wuxuu xilka sii hayn doonaa ilaa sannadka 2021-ka, waxayna ka dhigantahay in 10 sanno uu xilka haynayo.

Mucaaradka ayaa cambaareeyay tallaabadan iyagoona sheegay in hindise sharciyeedkani uu kasoo horjeedo heshiiska nabadda.

Salva Kiir ayaa sannadkii 2015-kii saddex sanno ku darsaday muddada xilkiisa markaaso dagaallada ay sababeen in doorasho la qaban waayo.

Dalka Koonfurta Suudaan waxaa weli ka socda dagaallo inkastoo dhawaan heshiis xabad joojin ah ay wada gaareen hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kiir.



61 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines