Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dagaal Xoogan Oo U Dhaxeeyay Somalida Iyo Oramada Oo Hada ka Socda Magaalada Baabili Ee Dalka Itoobiya.



Tue 03 July 2018.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada baabili ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dagaal xooggan oo u dhexeeya Somalida iyo Oramada uu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan ka tirsan a gobolka Oromada.

Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaa waxa ku dhintay 6 qof halka dhaawac tira bandanna uu jiro sidoo kale waxa burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada deegaanada Oromada, kan Soomaalida iyo wali kan Federaalkaba.

Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen gudaha Baabili.


 



113 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines