Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Salaadiin Iyo Siyaasiin Go'aan Ku Gaadhay In Ay Gobolka Awdal Somaliland Ka Gooyaan.



Mon 02 July 2018.

Warar naga soo gaaray shir shalay ay ku yeesheen siyaasiyiin iyo salaadiin ka soo jeeda gobolka Awdal magaalada Hargaysa, ayay isku af gareteen in ay ka gooyaan gobolka ama ka baxaan maamulka Somaliland hadii doorashada baarlamaanka lagu galo sida uu warqad ugu diray Muuse Biixi golaha wakiilada.

Muuse Biix ayaa warqad uu u diray golaha wakiilada ugu sheegay in doorashada golaha baarlamaanka lagu galo sida uu hadda yahay, go'aanka ayaa baal marsan sidii ay go'aamisay maxkamada sarre ee laga soo saaray xeerkana, kaas oo dhigaayey in doorashada danbe lagu galo saami qaybsi sax ah iyo tira koob dhab ah.

Salaadiinta iyo siyaasiyiinta ayaa go'aan horu dhac ah ku gaadhay iyaga oo ka shiidaal qaadanay go'aanadii shirkii Gob ee beelaha galabeedku ku go'aamiyeen in aan doorashada danbe lagu galin saami qaybsigii ingiriiska.



53 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines