Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saylici Oo Soo Bandhigay Laba Degmo Oo Sanadkan Xukuumaddu Ku Dartay Barnaamijka JPLG.



Mon 02 July 2018.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa ka hadlay Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka ee JPLG, waxaana uu ka dhawaajiyay laba degmo oo sanadkan loo Qorsheeyay in lagu horumariyo Barnaamijkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlayay Madal Lagu Soo Bandhigayay Barnaamijkaasi ayaa yidhi.

“Waxaynu rajaynaynayaa in wajiga cusub shanta sano ee soo socda aynu gaadhsiin doonno 15-ka degmo ee hadhay, dawlad ahaanna waxanu haya’dda qaramada midoobay ee hawsha gacanta ku haya tusaynaa inaanu fidinta samaynno, iyaguna dhaqaalaha nagu taageeraan, waxana aanu ku horraysiin doonnaa labada gobol ee waaweyn ee Bariga, sannadkanna waxa aanu bilaabi doonnaa laba degmo oo A ah iyo mid B ah, si dalku uu xagga waxqabadka isugu soo dhawaado.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada barnaamijkan laga leeyahay tahay sidii bulshada iyo adeegyada Aas-aasiga ah la isugu soo dhaweyn lahaa, isla markaana ay xukuumad ahaan diyaar la yihiin wixii dhaqaale looga baahdo inay ku kaalmeeyaan, “Annagu dawlad ahaan waxanu diyaar u nahay inaanu wixii dhaqaale nagu hagaagay inaanu diyaarinay, haddii ay tahay maamulkaa degmooyinka lagu fidinayo iyo haddii ay tahay maamul-daadejintii socotay ee ka socotay saddex degmo oo tijaabo ah oo runtii guulaystay, waxana ku biiraya laba degmo oo midi Hargeysa tahay iyo degmada Gabiley, degmooyinkaas kalena waa la gaadhsiin doonaa, waana arrin Distuuri ah oo inoo taalla in adeegga aasaasiga ah aynu hoos u daadejinno oo aynu shacabkeena u dhaweynno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.



40 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines