Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Darawal Bajaajle ah Oo Maanta Lgu Dilay Muqdisho.



Mon 02 July 2018.

Wararka saaka laga helayo degmada Hodan ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Sey Biyaano, halkaasoo bar koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka Xasilinta.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka Xasilinta ay rasaas ku fureen mootada uu watay wiilka dhalinyarada ahaa oo la sheegay inuu ka gudbay wadada, isla markaana uu maqli waayay amarka askarta ee ahaa inuu istaago, dabadeedna ay rasaas ku fureen.

Wiilka dhalinyarada ahaa aya amarkii dambe u geeriyooday dhaawac soo gaaray, markii labo xabadood ay kaga dhacday dhabarka

Qaar ka mid ah dhalinyarada Mooto bajaajka kaxeysa ayaa sheegaya in qaladka uu lahaa askariga, isla markaana wiilka dhalinyarada uu maqli waayay amarka, sidaasna ay rasaas ugu fureen.

Dhibaatooyinka ay dhalinyarada Mooto bajaajka kala kulmaan ciidanka dowladda ayaa sii kordhaya, waxaana ay noqdeen kuwo dhibane u ah ciidanka waddooyinka taagan, iyadoo bishii Ramadaan ee tagtay lagu dilay Muqdisho illaa afar dhalinyaro oo bajaajley ahaa, waxaana ku jiray wiil dhalinyaro ahaa oo bilo ka hor guursaday.



62 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines