Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Suldaan Abshir Oo ka Dayriyay Xaaado kusoo Kordhay Dadka ay Saamaysay Duufaata Sagar Ee ka Dhacday Lughaya.



Sun 01 July 2018.

Boorama ,June -- Wararka laa heleyo deaanada Hoos yimaadda Degmada Lughaya isla makaana ay dhibaatooyinka baaxadda lihi kasoo gaadheen duufaantii Sagar ayaa sheegeya inqaar ka mid ah dadkii ka badbaaday duufaantaasi la ildaranyihiin xanuunno kala duwan xanuunadan oo qaarkood ka abbaareen dhinaca jidhka iyo maskaxda .

Suldaan abshir Abshir Mxumed Gucaale oo si gaar ah ugu warramay shabakadda makii uu halkaa halkaaso kasoo laabtay , isagoo sheegay inay jiraan xanuunno kala duwan oo duffaantaa kaddib lagu arkay carruurta iyo dadka waayeelka ah iyadoo gurmadka cuntada u badan ee halkaasi xukuumadda ,hay'adaha iyo shacbigu u fidinayaan dadka dhulkaasi an lagusoo darin baahiyaha hoose ee haysta dadkaasi isagoo Suldaanku yidhi''Baahida dadkaasi maaha kiish bariisa oo lala ordo, dadkaasi waxay fadhiyaan bannaan cidlo ah oo heerkulkiisu yahay 45 digree ,ma haystaan ay hadhsadaan ama cuntada la siiyey meel ay dhigtaan mana haystaan maacuun ay wax ku karsadaan mana haystaan gargaar dhinaca caafimaadka ah oo ku filan inkastoo dawooyin yar la geeyey''

Suldaanka oo ka hadlay xanuunada lagu arkay halkaasi ayaa yidhi "xanuunada dadkaasi kusoo baxay duufaanta kaddib ayaa ah kuwa nooc kala ah .Ubadka ama carruurtu yaryari haddii ay maqlaan onkodka roobka waxay u ordaan dhinac kasta oo ay u jeedaan,waxa jira dad subax kasta qaata majarafado iyo biraha dhulka lagu qodo si ay helaan maydadka dad weli la la'yahay waxayna dadkaasi qodayaan meel kasta oo dhulka ah oo buuran ama soo taagan.Dadka qaarbaan habeenkii seexan oo hurdada ka selela ama sas ku dhacay,qaarkoodn hurdaba kumasoo dhacdo.

Waxa taa weheliya dadka weli baadigoobaya hanti u badan lacagta shilinka S/landta ama doolarka ee u taallay gurayaha iyo dukaanadii baaba'ay ama ku jirtay jeebadaha dharkii daadadku ka qaadeen iyagoo ad mooddo inay rajadii nolosha ay ka qabeeni hoos uga dhacayso waxayna dadkaasi u baahanyihiin dhakhaatir dhinaca maskaxda ah oo arrimahaasi kala taliya qaybna ka ah gurmadka kale ee loo fidinayo"'



54 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines