Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Qalbi-dhagax Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadlay Cidii ka Denbaysay Qabashadiisii Xamar.



Sun 01 July 2018.

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa markii u horeysay ka soo muuqday muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, kaddib munaasabad qado ah oo loogu sameeyay magaalada Addis Ababa.

 

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu dhiidhiyeen qabashadiisa iyo dulmigii loo geystay.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ay yihiin hal umad, isagoo xusay inay dad yar ka dambeeyeen qabashadiisa, inkastoo aanu soo hadal qaadin shaqsiyaadkaas.

“Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan”ayuu yiri Qalbi Dhagax oo si taxadar iyo degenaan ku jirtay u hadlay.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu xoojin doono Midnimada, isku duubnimada iyo sidii Umadda Soomaaliyeed loo mideyn lahaa, isla markaana dib loogu walaaleyn lahaa.

Halkan hoose ka daawo:-

 



37 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines