Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mudaharaad Looga soo Horjeeda Qorshaha Trump Ee Dhinaca Socdaalka Oo ka Dhacay Mareykanka.



Sun 01 July 2018.

Kumanaan qof ayaa ku biiray dibedbaxyo hareeyay marykanka oo looga soo horjeedo go'aanka maamulka Trump ee ka dhanka ah qorshaha socdaalka.

In kabadan 630 munaansabadood oo ay barbar socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeeda qoysaska la kala qeybiyay ee ku sugan xadka Mareykanka.

Ilaa 2,000 oo caruur ah ayaa laga go'doomiyay waalidiintooda, walaac badan ayaa laga muujiyay arrintaasi.

Dibedbaxyada ugu badan ayaa waxaa ay ka dheceen Washington DC, New York, iyo magaalooyin kale.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoranyihiin ma ogolaaneyno qoysas dambe oo la kala qeeybinayo, waana in meehsa laga saaraa, hay'adda muranka badan dhalisay ee qaabilsan socdaalka ee ICE.

Waddanka ayaa aad ugu kala qeybsamay qorshahaan socdaalka, madaxweynahana ayaa maalintii sabtiddi ahayd hadal uu ku soo qoray bartiisa twitter-ka ayaa sii huriyay doodaddda socdaalka.

"Qorshahaan wax kasta ayuu ka soo horjeedaa waa in aan hal dhinac ka istaagnaa dhamaantaya oo aan ka soo horjeedsanaa", ayuu yiri Paula Flores-Marques, oo 27 sano jir ah oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.

Magaalada New York, dibedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid aahaayeen, "halkaan waa laga soo dhaweynayaa qaxootiga".



34 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines