Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

ISIS Oo Sheegatay Dilka Shaqaale ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Dowladda Soomaaliya.



Sat 30 June 2018.

Kooxda ISIS ama Daacish ayaa sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen dilka labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka oo ka dhacay Muqdisho.

Wakaallada Wararka u faafisa ISIS ee Amaq ayaa lagu baahiyay sawirro iyo muuqaalo tusinaya dilkan labada ruux oo ka dhacay magaalada Muqdisho, laakiin ma aysan shaacin magacyada magacyada dadkan ay dileen.

Inkastoo Daacish ay sheegtay marar badan oo hore dilal ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno kale, haddana dhinaca kale marka la eego dilalka ugu badan waxaa sheegta ama lagu eedeeyaa in ay geystaan Al-shabaab oo ah urur hubeysan oo la dagaalama dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.



42 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines