Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Soomaali Laga soo Tarxiilay Mareykanka Oo Laga soo Dejiyay Garoonka Muqdisho.



Fri 29 June 2018.

83 Muwaadiniin Soomaali ah oo afar ka mid ah ay yihiin dumar ayaa laga soo tarxiilay dalka Mareykanka waxaana maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho,iyadoo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha.

Dadkan ayaa la sheegay inay ku xirnaayeen Mareykanka, waxaana ay qeyb ka noqonayaan boqolaal Soomaali oo tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump laga soo tarxiilo Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan ay isugu jiraan kuwo sharciga ka waayay Mareykanka iyo kuwo dambiyo soo galay, waana tiradii labaad ee ugu badneyd hal mar la soo dhoofiyo.

Sanadkii hore ayay aheyd markii dad gaaraya 70 ruux oo Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka laga soo dejiyay garoonka Muqdisho, waxayna tiradaas kor u sii qaaday muwaadiniinta Soomaalida ee laga soo tarxiilay dalka Mareykanka oo dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa dhowaan meel marisay amarkii Madaxweyne Trump kaga mamnuucay inay dalka Mareykanka soo galaan muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Yemen, Libiya, Suuriya, Iiraan, Suudaan iyo kuwa kale.



72 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines