Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Taageerayaal Buux Dhaafiyey Hoyga Uu Laacibka Max’ed Saalax ka Degan yahay Qaahira.(Sawirro)



Fri 29 June 2018.

Taageerayaal fara badan ayaa Buux dhaafiyey hoyga uu degan yahay laacibka reer Masar ee Mohamed Saalax ee magaalada Qaahira ka dib markii uu dib ugu laabtay dalkiisa.

Warka ku saabsan soo laabashada laacibka oo qabsaday Baraha bulshada ayaa keentay in Gurigiisa ay boqolaal qof tagaan, iyagoo doonaya inay arkaan oo ay sawiro la galaan ciyaaryahanka xulka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah.

Markii ay dadkii sii kordheen ayaa la sheegay inay arrinta soo farageliyeen ciidamada Amniga, waxaana Guriga Maxamed Saalax la geeyay Boolis si ay ammaankiisa ilaaliyaan, ugana hortagaan in xaaladda faraha ka baxdo.

Ciidamada Booliska Masar ayaa kala dhex galay dadka isugu soo baxay Guriga Maxamed Saalah iyo ciyaaryahanka, waxaana arkayey iyadoo dad fara badan ay isugu tagaya.



36 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines