Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Masuliyiin Iyo Dadka Deegaanka Wajeer Oo Laamaha Ammaanka Kenya ku Eedeeyay Dilka Labo Dhainyaro ah.



Fri 29 June 2018.

Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooy bari Kenya ayaa maanta lagu aasay labo dhalinyaro ah oo meydadkooda laga helay duleedka magaaladaasi.

Dadka deegaanka iyo hoggaamiyeyaasha Wajeer ayaa laammaha ammaanka ee Kenya ku eedeeyay inay gaysteen dilka lada qof, kuwaas oo markii ugu denbaysay ku jiray gacanta booliiska dalkaasi.

Xildhibanka laga soo doorto bariga Wajeer Rashiid Qaasiim ayaa sheegay in labada qof ay laammaha ammaanka dhawaan ku qabteen deegaannada Qorof Xaraar iyo Kutulo ay gacantooda ku jireen,isagoo sheegay in labada dhalinyarada ah ee la dilay ay ku howlanaayeen ganacsi islamarkaasna labo ilaa saddex cisho gudahood meeydkooda la helay.

Rashiida Qaasiim oo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “midda aan maanta aanan raali ka ahayn waxay tahay in dhalinyaro annaga naga kamid ama dadka ganacsato ah oo waddanka jooga oo aan mas’uul ka nahay in la qabto, markii ugu war damabyasay booliska gacantooda ayay ku jireen haddana in la arko iyagoo la dilay oo lagu aasay godad”

Sikastaba ha ahaatee Xiisada ka dhalatay dilka dhalinyaradan ayaa ka taagan deegaanka wajeer,walow aysan wali ka hadal ciidamada Booliska Kenya.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines