Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne ku-xigeenka Zimbabwe Oo Dhaawaciisa loo Qaaday Koonfur Afrika.



Fri 29 June 2018.

Madaxweyne ku-xigeenka Zimbabwe Kembo Mohadi oo Sabtidii ku dhaawacmay weerar garnayl ah oo lagu qaaday isu soo bax xisbiga talada haya uu qabanayey, ayaa daweyn loogu qaaday dalka Koonfur Afrika.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa wargays wuxuu ka soo xigtay inuu sheegay in ku-xigeenkiisa uu si xun u dhaawacmay, uuna iminka soo bogsoonayo.

Wasiirka deegaanka Oppah Muchinguri-Kashiri, ayaa iyadana qalliin loogu qaaday Koonfur Afrika, waxaana la fahamsan yahay inay si fiican u soo bogsanayso.

Sawirro Fiidiyow ah oo laga soo qaaday isu soo baxa Sabtidii ka dhacay Bulawayo ayaa muujinaya bamka oo ku qarxaya meel u dhow halka uu joogay madaxweyne Mnangagwa oo markaas ka tagayey banaanbaxa.

Laba qof ayaa ku dhintay, 40 kalena way ku dhaawacmeen qaraxaas.

Goor sii horreysay ayuu Madaxweyne Emmerson Mnangagwa BBC u sheegay inuu tuhunsan yahay in xaaska madaxweynihii hore, Grace Mugabe, ay ka dambaysay weerarka.



80 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines