Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciraaq Oo 12 Eedeysane ku Fulisay Dil Toogasho ah.



Fri 29 June 2018.

Ciraaq ayaa qudha ka jartay 12 qof oo loo haystay argagixisanimo, ayadoo amarkana uu bixiyey ra'iisul wasaaraha, Xaydar al-Cabaadi.

Mr Cabaadi wuxuu sheegay in in dhamaan dadka lagu helay argagixisanimo ay tahay in la dilo, ayadoo taa looga goynayo dilka 8 qof oo la haystayaal ah oo todobaadkan ay dileen kooxda dawladda islaamiga.

Jirka la haystayaasha oo la jarjaray ayaa laga helay, ayadoo ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, waddo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ee baqadaad.

Mintidiinta ayaa ku hanjabay inay dili doonaan haddii xukuumaddu aysan sii deyn dumar Sunniyiin ah oo maxaabiix ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dil lagu xukumay dalka Ciraaq, kuwaasoo 1/3 ka mid ah ay dumar yihiin.



67 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines