Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Oo Booqasho Kadis ah ku Tagey Dalka Liibya.



Mon 25 June 2018.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini ayaa booqday dalka Libya sii uu mas’uuliyiinta dalkaasi uga la hadlo arrinta muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub ee halkaasi soo maraya.

Salvin oo xafiiska qabtay horraantii bishan wuxuu doonaya in muhaajiriinta doonaya inay u gudbaan dhanka Yurub ay soo maraan xarumo lagu hakinaya dadkaasi taaso ah xeer caalami ah oo u baahan dib u eegis.

Wuxuu ugu baaqay ha’ayadaha gargaarka inay joojiyaan caawinta dadka doonaya inay badda Mediterranean ku galaan safarro khatar ah.

Ciidammada badda ee Libya ayaa waxay sheegeen inay badbaadiyeen ku dhawaad 1,000 qof oo muhaajiriin ah horraantii toddobaadkan.

Sikastaba ha ahaatee dawlada Talyaaniga ayaa dhawaan diiday inuu qaabilo muhaajiriin saarnaa doonyo kuwaan oo ka kala yimid qaar ka mid ah wadamada africa oo kasoo tahriibay liibiya..



51 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines