Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Nigeria Oo Qabatay Bariis Sumaysan Oo Laga soo Waariday Dal la Dariska ah.



Wed 20 June 2018.

Dawladda Nigeria ayaa bariis sumaysan oo loo soo waday dalkeeda ku horjoogsatay mid ka mid ah xadadka ay la wadaagto wadamada Deriska ah.

Bariiskan ayaa la rumaysan yahay in uu yahay Mid sumaysan, ilaa iminkana dawladda Nigeria ma sheegin Xadka ay ku horjoogto bariiskaasi dalka iska leh.

Sarkaal sare oo u hadlay wadanka Nigeria ayaa sheegay in uu Bariiskani yahay mid sumaysan oo khatar gelin kara nafaha dadka Reer Nigeria.

Inta badan dadka reer Nigeria ayaa door bida bariiska laga keeno Wadanka Thailand, kaas oo ay rumaysan yihiin in uu yahay mid aad u wanaagsan.

Dhinaca kale Wasiirka Beeraha ee Wadanka Nigeria Audu Ogbeh ayaa sheegay in bariiskan ay hadda ku hor joogaan xadka wadanka la deriska ah ee aanay magaciisa shaacinin laga keenay wadamada China iyo Koonfur Bari Aasiya.

Warkan oo lagu baahiyay wakaalada wararka u faafisa wadanka Nigeria ayaanay xukuumadda wadankaasi dhul ahaan la deris ah wadamada with Niger, Chad, Benin iyo Cameroon, aan midkoodna ku sheegin in uu Bariiskaasi sumaysani ka soo talaabay dhinacooda.



37 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines