Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

AMISOM Oo Mar-kale Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka Hor-joogsatay Gud. Kuxigeen Aqalka Sare.



Tue 19 June 2018.

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa loo diiday inuu gudaha galo kana dhoofo garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Falkani ayaa noqonaya kii labaad ee ciidamada AMISOM kula kacaan masuuliyiin ka tirsan labada aqal ee golaha shacabka.

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa u diiday inuu garoonka dhaafo Guddoomiye Cawad iyo Wafdigiisa oo dalka dibadiisa u socday.

Cawad ayaa la sheegay inuu ka baaqday Safarkii uu u socday ka dib markii loo diiday inuu garoonka galo, isagoo dib ugu laabtay hoygiisa.

Sidoo kale Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa Koowaad ayaa Saacaddo badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde manta ka dib markii ay is hortaageen ciidamada AMISOM.

Taliska ciidamada AMISOM ayaan illa hadda war ka so saarin falalka manta ciidamadooda ay isku hortaageen masuuliyiin ka tirsan labada aqal oo ka dhoofi rabay garoonka Aadan cadde sidoo kale dowlada Somalia ayaan ka hadlin falalkan oo xildhibaano badan ay



36 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines