Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Taageerayaasha Dalka Mexico Ee Kubadda Cagta Oo Baabuur Lagu Jirsiiyay Ruushka.



Sun 17 June 2018.

aksiile ku nool magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa baabuur jirsiiyay dad marayay wadada hareeraheeda, halkaasi oo uu ku dhaawacay sideed qof oo ay kamid yihiin dad u dhashay dalka Mexico oo usoo daawasho tegay ciyaaraha koobka adduunka ee imika ka socda dalka Ruushka.

Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya isagoo ka soo dhexbaxaya baabuur kale oo u ku daba safnaa, waxaana baabuurkii uu jirsiiyay dadkii marayay halkaasi iyo tabeelooyin surnaa wadada.

Wadihii baabuurka ayaa isku dayay inuu halkaasi ka baxsado, waxaana eryaday dadkii marayay wadada, inkastoo booliska dalkaasi ay markii dambe shegeen in xabsiga loo taxaabay wadihii baaburkaasi.

Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin oo ka hadlay weerarkan dadka ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa uu sheegay in darawalkaasi uu lumiyay kontoroolka baabuurka,waxaana booliska Ruushka ay shegeen in markiiba ay bilaabeen baaritaan ku aadan dhacdadani.



39 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines