Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qarax Khasaaro Geystay Oo Lala Eegtay Ciidamada Kenya Ee Wajeer.



Sun 17 June 2018.

Qarax khasaaro geystay ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo ku sugnaa gobolka Waqooyi dalkaas sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Wajeer.

Qaraxan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana lala eegtay Gaari ay wateen ciidamada xilli uu marayey degaanka Bojigaras.

Guddoomiyaha magaalada Wajeer Loyford Kibara ayaa sheegay inay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ciidamada ka soo gaaray qaraxaas ayna wadaan baaritaano.

Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa Kenya ayaa gaaray goobta ciidamada qaraxa lagula beegsaday, waxaana burburay gaarigii uu qaraxu qabsaday.

Saraakiisha Booliska kenya ayaa sheegay in qaaxaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab balse kooxdan ayaan illaa hadda ka hadlin qaraxaas inkastoo ay horey u sheegatay qaraxyo la mid ah oo horey uga dhacay gudaha dalkaas.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili saacado ka hor dayuuradaha Kenya ay duqeeyeen degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo ay maamulaan al-shabaab, waxaana ku dhaawacmay inta laga warqabo 3 qof oo shacab ah.



71 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines