Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Iskahorimaad Hubeysan Oo Dhex-maray Ciidamada Dawlada Iyo Alshabaab Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.



Wed 13 June 2018.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar hubeysan ku qaaday caawa fiidkii fariisin ay ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay isgoyska Sos halkaa oo salaada Maqrib kadib uu dagaal xoog leh ka dhacay.

Dadka ku nool xaafadaha ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in salaadii Maqrib kadib ay maqleen rasaas xoog leh oo la isweydaarsanayay.

Wadada dheer ee ka timaada degmada Balcad ayaa isu socodkii dadka iyo gaadiidka uu hakad ku yimid iyadoo ay soo wajahday dadka ku nool degmada Huriwaa cabsi xooggan.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan mana jiro mas’uul ka hadlay dagaalka.

Hase yeeshee,dagaalkan ayaa dhacay iyadoo inta badan wadooyinka waaweyn ee muhiimka ah magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin sababo la xiriira amniga.



57 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines