Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wararkii Ugu Danbeeyay Al-shabaab Oo Weerar ka Geystay Degmada Qansax-Dheere.



Wed 13 June 2018.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen Laba ka mid ah ciidamadii ku sugnaa fariisinka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aysan jirin intaa dhaafsiisan weerarka ka soo gaaray ciidamadooda, waxaana ay tilmaameen in lagu daba jiro raggii weerarka ka geystay degmada Qansax-dheere.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarka ay xalay ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Qansax-dheere.

Dhinaca kale Shabaab ayaa duleedka deegaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay fiidnimadii xalay ku gubeen gaari Qaad siday, iyada oo ay halkaasi ku geeryoodeen afar qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaanba saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobollada dalka.



85 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines