Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Puntland Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Sool.



Mon 11 June 2018.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Sool oo ah gobol ay ku muransan yihiin Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Sool loogu magacaabay Abuukar Cabdi Geelle.

Magacaabidan ayaa ku soo aaday, iyadoo xiisad ka jirto deegaanka Tukaraq oo ay ku loolamayaan maamulada Puntland iyo Somaliland, halkaasoo ciidamo kala taabacsan ay weli isku hor-fadhiyaan.

Gobolka Sool ayaa xaruntiisa tahay Laascaanood, waxaana gacanta ku haya Somaliland, inkastoo Puntland dhowr jeer oo hore ay ku goodisay inay dib u qabsan doonto.

Halkan hoose ka akhriso-



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines