Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Laamaha Amaanka Oo Caawa Muqdisho kusoo Bandhigay Kooxo Burcad ah Oo Shacabka Dhibaato ku Hayay.(Sawiro)



Sun 10 June 2018.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta saldhiga Degmada Hodan ee gobolka Banaadir kusoo bandhigay kooxo burcad ah oo dhac u geesan jiray dadka shacabka gaar ahaan dhalinyarada Jaamacadaha dhigta.

Burcadan oo afar nin gaarayay ayaa lagu soo qabtay howlgalo ciidamada amaanka sameeyeen, waxaana kooxdan oo isku xirneyd la sheegay in iyaga oo adeegsanaya biskoolado iyo mootooyin dadka ku dhici jireen qeybo kamid ah Muqdisho.

Labo kamid ah kooxdan burcada ah ayaa la sheegay in horey loogu qabtay degmada Hodan waxaana dabagal dheer laamaha amaanka kusoo guuleesteen in ay soo qabtaan koox kale oo ragan xiriir kala dhaxeeyay.

Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay in Maxkamad loo gudbin doono burcadan shacabka Muqdisho dhibaatada ku hayay, waxaana qabashada burcadan soo dhaweeyay shacabka Degmada Hodan oo ragan burcada ah qaati ka taagnaa.

Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah waxaa dhibaato xoogan ku haya burcad biskoolado ku hubeesan kuwaa oo inta badan adeegsada Mooto bajaaj iyo dhug dhugley, waxa ayna dhac u geestaan dhalinyarada wadooyinka Moobeelada ku dhax wata.



60 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines