Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qaar ka Mid ah Jidadka Xidhnaa Ee Magaalada Muqdisho Oo Dib loo Furay.



Sun 10 June 2018.

Waxaa dib loo furay qeybo badan oo xirnaa jidadka magaalada Muqdisho kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyay dadka iyo gadiidka intaba loo diiday in ay isticmaalaan.

Jidadka dib loo furay ayaa maalmihii ugu danbeeyayba u xirnaa ciidamada amaanka Soomaaliya, arintaa oo siweyn ay uga soo horjeesteen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo isku diyaarinaya munaasabada dabaal-daga Ciidul-Fidiriga.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amay shalay galab in la furo wadooyinka xiran si deg deg ah, waxaana xalay dhaqan galay amarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho oo sheegay in loo baahnaa go’aanka uu madaxweyuhu ka qaatay xirnaashaha jidadka caasimada.



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines