Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Khasaaro ka Dhashay Weerar Mindi loo Adeegsaday Oo ka Dhacay Gudaha Tareenka Dheereeya Ee Japan.



Sun 10 June 2018.

Booliiska Japan ayaa xabsiga dhigay nin looga shakisan yahay in uu dilay hal ruux dhaawacayna labo kale isaga oo ku weeraray mindi rakaab saarnaa mid ka mid ah tareennada aadka u dheereeya ee dalka Japan, sida ay booliisku sheegeen.

Tooriyayntan ayaa dhacday 22:00 saac ee Sabtida xiliga dalka Japan, tareenka ayaana u kala safrayay Tokyo iyo Osaka.

Booliiska ayaa ninkan ku xiray boosteejada Odawara,waxaana Tareenka saarnaa in kabadan 800 oo rakaab ah marka uu weerarkaasi dhacayay.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in nin luqunta laga dhaawacay oo isbitaal loola cararay uu u dhintay dhaawacii. Labada ruux ee kale oo dhaawac ahna waa dumar sida ay warbaahinta guduhu ku warrantay.

Qofka laga shakisan waxaa magaciisa lagu sheegay Ichiro Kojima oo 22 jir ah, isaga oo haysto in uu dil isku dayay, sida uu taliyaha booliiska deegaankaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Kojima ayaa sheegay in uusan dadka kala xulanin ee uu tooriyaynta iskaga billaabay "isaga oo wata shay dhawr af oo fiiqan leh", sida ay ku warrantay warbaahinta Japan ee NHK.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dadku ay aad u murugoodeen iyaga oo argagaxsanna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan tareenka.



46 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines